Soomaaliya iyo Yemen oo kawada hadlay ammaanka Badda Cas

Image
Image
Image
Wadaxaajoodka waxaa qeyb ka ahaa iskaashi ay ku yeeshaan fagaarayaasha caalamiga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Qurba-joogta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Yemen Dr. Axmed Cawad bin Mubarak oo booqasho rasmi ah dalka ku jooga.

Waxaan xarunta Wasaaradda ku yeelanay wada-xaajood labada dhinac ah oon uga wada hadalnay qadiyadaha labada dal wadaagaan sida Muwaadiniinta labada dhinac ku kala nool, ammaanka Badda Cas iyo inaan iskaashi ka yeelano fagaarayaasha caalamiga ah, sidaasi waxaa yiri Wasiir Abshir Jaamac.

Wasiirka ayaa sheegay inuu la wadaagay dhiggiisa Yemen sidii adkaysiga lahayd ee bulshada Soomaaliyeed uga soo gudbeen marxaladihii adkaa, isagoo u rajeeyay Shacabka iyo dowladda Yemen Ammaan iyo Xasilooni waarta.

Wasiirka ayaa yiri: "Aniga iyo Wasiir Axmed Cawad waxaan kormeernay qaybo kala duwan oo wasaaradda ah sida Machadka Diblumaasiyadda iyo tababarrada iyo Maktabadda Wasaaradda".

Soomaaliya iyo Yemen waxay wadaagaan Taariikh Facwayn oo qarniyo soo jirtay, waxaanuna hadda wadaagaynaa khibradda kasoo kabashada colaadaha.

 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM