UN-ka oo xarun oo ka furanaya magaalada Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxaa maanta soo gaaray xubno ka tirsan Xafiiska QM ee Soomaaliya, xubnahan oo isugu jiray farsmo yaqaanno iyo khubaro amni ayaa waxaa hoggaaminayey Tomoko kubota, iyadoo ujeedka socdaalkoodu la-xiriiray hubinta iyo sahminta halka loo asteeyay inay noqoto xafiiska QM ee Galmudug.

Kaddib howlgalkooda u kuurgelidda iyo sahminta ee xaruntooda Galmudug, waxay xarunta madaxtooyada ku la kulmeen madaxweyne Ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid oo si diiran usoo dhaweeyey isla markaana bogaadiyay in UN ay soo degaan Galmudug.

"Waan soo dhaweynaynaa in hay'daha kala duwan ee QM ay ka howlgalaan Galmudug, xafiisna ay ka furtaan, sii ay ugu adeegaan bulshada Galmudug, si dhawna ay ula shaqeeyaan laamaha kala duwan ee dowladda. Galmudug".

Wakiilka QM U qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa booqashadii dhawaan uu ku yimid Galmudug wuxuu ballanqaaday in hay'adaha UN sida ugu dhaqsiyaha badan usoo degi doonaan Galmudug.

Madaxtooyadda Galmudug

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM