UNSOM oo ka hadashay "dib-u-heshiisiinta" Koonfur Galbeed

Image
Ku-xigeenka madaxda UNSOM ayaa shirkan kala hadashay gudoomiye Aadan Madoobe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulanka Guddoomiyaha iyo Marwo Anita Kiki ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo xustay inay UNSOM taageereyso dadaalada uu garwadeenka ka yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada argagaxisada go'doomiyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa gunnaanadka kulanka ayuu Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay halka ay mareyso arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed isagoo la wadaagay inuu kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM