Villa Somalia oo bixisay macluumaad ku saabsan safarka Farmaajo ee Puntland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Jeneraal Maxamed Abshir Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, K/Xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa salaan ugu istaagay kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada Garoowe, kuwaas oo lulay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayan soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha oo shir saxaafadeed ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wada jir loo abbaaro xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay shacabka iyo hoggaanka Puntland isku duubnida, isaga oo bogaadiyay doorashadii hufnayd ee ka qabsoontay Puntland.

Dhankiisa, Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuud heer Federaal ee soo ajiibay casumaadda uu u fidiyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galaya xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), iyadoona uu kulammo la qaadan doono masuuliyiinta iyo waxgaradka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM