WARSAXAFADEED : Daahfurka Goobaal Online: Diiwaanka Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed

Image
Image

Muqdisho, 24-ka Nofembar 2021: Si loo xuso maalinta caalamiga ah ee Ganacsiga Haweenka, shirkadda la talinta Asal Consulting, oo kaashaneysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed/ Somali Chamber of Commerce and Industries (SCCI) iyo Ururka Shaqaalaha Adduunka/International Labour Organization (ILO), waxaa ay si rasmi ah u daahfureen Goobaal Online, oo ah adeeg khaas ah oo loogu talagalay ganacsiyada ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed oo doonaya in ay kobciyaan ganacsigooda.

Madashan online-ka ah ayaa noqon doonta fursad ay Haweenka ganacsatada ah ku xayeysiiyaan ganacsiyadooda muuqaal ahaan barta internet-ka. Macluumaadka ku jira Gobaal Online ayaa ku qoran afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga-ba, iyadoo madashan internet-ka ay tahay diiwaan ay ku keydsan yihiin ganacsiyada jira.  

Fikradda ah in la helo diiwaan barta internet-ka ku jira oo beegsanaya ganacsiyada ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed ee doonaya in ay kobciyaan ganacsigooda, waxaa ay ka dhalatey markii la ogaadey in badi ganacsiyada Haweenku leeyihiin aaney ku jirin ama ay aad uga muuqan internet-ka.

Sidaa daraaddeed, ganacsatada Haweenka waxaa dhaafaya fursado haddii ay ku jiri lahaayeen internet-ka ay kor ugu qaadi lahaayeen ayna ku kobci lahaayeen ganacsigooda iyo tirada macaamiishooda. Fikraddu waxaa sidoo kale ay ku fadhidaa xaqiiqda ah in badi ganacsiyada ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed aaney awoodin in ay iska bixiyaan kharashka badan ee loogu baahan yahay nakh-shadeynta, martigelinta iyo gacan-ku-haynta barta internet oo uu lahaado ganacsi keliya. 

Fariin ka socota Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Iyadoo ay si joogta ah u kordhayaan macamiisha  internet-ka ka eega ama dalbada badeecooyinka iyo adeegyada, waxaa noo muuqatay fursad aan ku xiriirin karno macaamiisha iyo ganacsiyada Haweeenku leeyihiin maaddaama badi ganacsiyada Haweenku aaney haysan dhaqaale ay ku dhisan lahaayeen bar internet. Hadda oo uu jiro Goobaal Online, macaamiisha iyo milkiilayaasha ganacsiyada ayaa si fudud isu heli kara iyaga oo aanan ka bixin kharash. Goobaal Online waxaa maamuli doona SCCI, taasoo noqon doonta mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee lagu kobcinaayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo kan Haweenka ganacsatada Soomaaliyeed.” 

Fariin ka socota ILO 

Adeegga Goobaal online waxaa inbadan ka faa’iideysan kara Haweenka ganacsiga ku leh Soomaaliya. Adeegan oo awood u siinayo in ay ka helaan fursad ay ku kordhiyaan macaamiisha imaneysa goobahooda ganacsiga iyo macaaiisha ka eegeysa baraha internetka iyo bogagga baraha bulshada. Haddii ganacsigu uusan haysan bar internet, Goobaal Onlinee ayaa u noqonaya bar internet. Arrintan ayaa ah mid ka mid ah faa’iidooyinka uu Goobaal online siinayo Haweenka ganacsiga ku leh Soomaaliya. Si aad wax badan uga ogaato Goobaal online, booqo: www.goobaal.so 

Fariin ka socota Asal Consulting 

Haddii aad tahay Haweeney Soomaaliyeed oo ganacsi leh, oo aadna dooneyso in Goobaal Online uu ganacsigaaga gaarsiiso heerka ku xiga kan aad hadda joogto, booqo, https://www.goobaal.so/. Halkaan ka daawo sharaxaad faahfaahsan; https://www.youtube.com/watch?v=4lnud8bLHQ8

Waxaa ganacsigaaga aad internet-ka ku gelin kartaa daqiiqo adiga oo wax kharash ah bixin. Marka aad furto barta internet-ka, guji badhanka “Register” oo raac tilmaamaha lagu siinayo si aad waqti yar ugu diyaariso xogta ganacsigaaga ee aad gelisoneyso internet-ka.

Goobaal waxaa suurageliyey deeqda ay bixisey Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden/the Swedish International Development Agency (SIDA), oo la soo mariyey mashruuca Iskaashiga Ganacsatada iyo Maamulka ee Tamarta La Cusbooneysiin Karo iyo Awoodsiinta Dhaqaale ee Haweenka/“Public-Private Partnership for Renewable Energy and Women’s Economic Empowerment” ee ay hirgelisey ILO.


Nagala Soo Xiriir

Haddii aad  u baahan tahay macluumaad dheeri ah, waxaad nagala soo xiriiri kartaa info@goobaal.so

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM