Wasiirada Jubbaland oo soo saarey go'aan ku aadan doorashada

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada.

Kulanka maanta waxaa lagaga hadlay sidii shacabka iyo Hay'adaha amaanku uga wada shaqayn lahayeen sugida nabadgalyada inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Goluhu ayaa, sidda ku war-saxaafadeed, wuxuu ugu baaqey shacabka reer Jubbaland sidii in Ciidamada amaanka ay gacan buuxda ku siiyaan sugida amaanka.

Arimaha Doorashooyinka ayaa la isku raacay in wakhtigooda ay ku dhacayaan qof walbana uu xor u yahay in uu ka qaybqaato iyadoo la marayo hanaanka iyo sharciyada Jubbaland u yaala.

"Dadweynaha ayaa loogu baaqay in ay Midnimo iyo wadajirkooda adkeeyan maadama ay u baahan yihiin howlaha culus ee horyaala in midnimo iyo walaalnimo looga gudbo," ayuu yiri bayaanka.

Wasiiradda ayaa ku tartarsiiyey dhamaan ururada bulshada iyo haldoorka deegaanka in ay ka qayb qaatan sidii loo adkeyn lahaa Midnimada bulshada reer Jubbaland.

Doorashadda Jubbaland oo isha lagu wada hayo ayaa loo muddeeyay in ay qabsoonto bisha Agoosto 24-keeda xili ay haatan socoto soo xulista Xildhibaanadda cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM