Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay sharciga doorashada iyo xisbiyada

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay meel mariyeen Hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Ujeedooyinka sharciga doorashooyinka qaranka ayaa ah in lagu maamul doorashooyinka golayaasha sharci dejinta iyo madaxwaynaha jamhuuriyadda, laguna hir gelinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka maran cabsi gelin iyo ceeb oo dhan, loona maamulay si madax bannaan, dhex-dhexaad ah, sugan, hufan oo isla xisaabgan leh kuna salaynsan hab-raac sharci oo dhaqan gal ah, in uu cadeeyo awoodda iyo waajibaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo in lagu qeexo laguna tilmaamo nidaamka doorashooyinka dalka.

Hindise Sharciyeedka ay maanta xukuumaddu meel marisay ayaa loo gudbinayaa golaha sharci dejinta dalka si ay u ansixyaan.

Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu meel mariyay sharciga xisbiyada siyaasadda dalka oo dib-u-eegis lagu sameeyay.

Ansixinta Hindise Sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyo sharciga xisbiyada siyaasadda dalka ee dib-u-eegista lagu sameeyay ayaa qeyb ka ah halbeegyada Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ee lagu guuleystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM