Xildhibaan ka tirsan BF Soomaaliya oo geeriyoodey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuumku uu ka soo qaatay dowladnimada, midnimada, nabadda, xasilloonida iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan, Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Dhimbiil Rooble (Casoowe) waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, isagoo noqday Guddoomiye Ku-xigeenkii 2-aad ee Baarlamaankii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd, labaatankii sano ee u danbeysayna wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka, waxa uuna si hufan ugu soo shaqeeyey Qarankeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u waydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM