Xukun lagu riday xubin ka tirsan Al-Shabaab oo dagaal lagu soo qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle oo magiciisa afgarashadu yahay Xamza ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Al-Shabaab gaar ahaan in uu kamid ahaa kooxda sida dhuumaaleysiga u weerarta fariisimaha Ciidamada.

26-kii September 2019 ayaa laga soo qabtay Baladul-Amiin isaga oo dhaawac ah, waxa ayna ciidamada xoogga ku wareejiyeen ciidamada Amniga oo iyagana la tacaalay dhaawac kasoo gaaray weerar fashilmay oo ay maleeshiyada isku dayeen in ay kamiin u galeen ciidamada Xoogga dalka.

Ina Cumar Cabdi Dawaale ayaa waayay mid kamid ah lugihiisa oo ay ka fursan waayay howlwadeenada caafimaad in laga jaro
Caafimaad kadib ayaa markale loo gacan geliyay hey’adaha baarista, waxa ayna baaritaan dheer kadib ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida horraantii November sanadkii hore.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiskan markiisii hore ka soo galay hey’adaha Amniga, waxa ayna 3-dii February sanadkan dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle.

Maxkamadda ayaa go’aamisay 17-kii February in la galo dhageysiga dacwadda ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, Xafiiska Xeer Ilaalinta oo isaga iska leh fursadda hore ee hab raaca dacwadda ayaa Garsoorayaasha u sheegay in Eedeysanaha la soo qabtay isaga oo dagaal ku jira, waxa ay intaas ku dareen in uu ka qeyb galay weeraro kale oo ka kala dhacay Bariire, Buulo Mareer, Baraawe, Golweyn laga soo bilaawo xilligii uu Alshabaab kaga biiray degmada Walla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose sanadii 2010 .
Eedeysanaha oo fursad loo siiyay in uu ka hor hadlo Garsoorka ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadama ay ku biirista Alshabaab uusan diidaneen.

Qareenka Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Eedeysanaha uu aad u yaraa xilligii uu Alshabaab ku biirayay, sidaas darteed ayuu garoosrayaasha weydiistay in loo fiiriyo qodobada fududeyn karo ciqaabtiisa.

Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa’in sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib

Garsoorka Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM