Xukuumada ku meelgaarka ah oo meelmarisay habraac loo gudbiyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MOGADISHU, Soomaaliya - Golaha wasiirrada xukuumadda xil gaarsiinta dalka, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen hab-raaca hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa qeyb ka ah hoggaannada muhiimka u ah shaqooyinka CXD, waxaana habraaca maanta la ansixiyay oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-habeynta ciidanka uu sare u qaadayaa hufnaanta iyo horumarinta awoodda ciidanka si ay ugu guuleystaan dadaallada xoreynta guud ahaan dalka iyo nabad dhisidda si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan amni buuxa.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shirka golaha oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dayn cafinta.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM