XFS oo soo saareysa siyaasad lagu wajahayo fatahaadaha soo laalaabta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday degmada Berdaale ee gobalka Baay ayaa u kuur galay xaaladda dadka fatahaaduhu saameeyeen iyo sida loo wado howlaha loogu gurmanayo.

Khayre oo tegay goobaha ay ku suganyihiin qoysaska ka barakacay fatahaadaha ayaa dadkii uu la kulmay u muujiyay sida dowladda ay uga go’antahay garab istaagidda dadka ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ayaa Ra’iisul Wasaarahaha uga warbixiyay sida wax u socdaan iyo xaaladda deegaanka guud ahaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha qeybta ka qaatay dadaallada gurmadka, ayaa ku bogaadiyay howsha wadajirka ah ee wadaan hey’adaha gargaarka.

Hay'addaha ayaa isugu jira kuwa gudaha, kuwa heer caalami, guddiga gurmadka fatahaadaha. "...iyo dhammaan inta ku howlahan samata bixinta dhibbanayaasha fatahaadaha ayuu u mahadnaqay ra'iisul wasaaruhu," ayuu yiri xafiiskiisa.

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa degmada Berdaale gaarsiiyay shan diyaaradood oo gargaar ah.

"...waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan," ayaa lagu yiri qayb kamid ah war-saxaafadeedka socdaalkiisa laga soo saarey.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada qorshe xal waara looga gaarayo fatahaadaha soo laalaabta ee dhibaatada badan ku haya qeybo kamid ah goballada dalka.

"....waxaana dhawaan la soo saarayaa siyaasad cad oo lagu wajahayo," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online. Khayre ayaa safarka kadib kusoo laabtey Muqdisho.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha + GO

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM