7 Askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Kenya oo la xirey kadib maxaabiis baxsatey
NAIROBI- Kadib markii ay baxsadeen saddex maxbuus oo u xirnaa danbiyo la xiriira argagixisanimo, booliisku dalka Kenya waxa ay xabsiga Kamiti u taxaabeen todobo waardiyayaal ah.
Baaritaano horudhac ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Dr Fred Matiangi, waxay soo jeedinayaan in ka baxsiga xabsiga ugu ammaanka badan dalka Kenya ay sabab u aheyd habacsanaan iyo karti la'aan ka timi howl-wadeenadii ka shaqeynayey dhismahaas.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay wasiirku in kadib markii baaritaano dheraad ah la sameeyo ay jiri doonaan dad dheraad ah oo loo xiro jabsashada xabsigaan.
Booliiska iyo ciidamo si gaar ah loo tababarey ayaa ku lug leh baadi-goob balaaran oo laga sameynayo dalka oo dhan. Xabsiga Kamiti ayaa waxaa maalintii shalay ka baxsadey Musharraf Abdalla Akhulunga aka Zarkarawi, Mohammed Ali Abikar, oo u xiraa dambiyada argagixisada.
Laanta dambi baarista Kenya ayaa soo qabashada ama soo sheegista xogta maxaabiistaan duldhigtay lacag dhan 60 milyan oo shilin oo abaal marin ah.
"Kaliya ma aadi doono jihada baaritaannada ay noo tilmaami doonaan, laakiin waxaan u dhaqmi doonaa si adag si aan u hubinno taxadar la'aanta noocan oo kale ah inaysan mar kale dhicin sababtoo ah waxay khatar galineysaa dadkeena. Dhab ahaantii, waxaa jirta heer mas'uuliyad-darro ah oo ay tahay inaan wax ka qabanno kiiskan ," ayuu yiri Matiangi.
“Waxaan tagnay goobtii la sheegay in baxsadka ay ka dhacday, waxaana sameynay fikrado gaar ah. Ma doonayno inaan ka hadalno arrintaas sababtoo ah ma doonayno inaan faragelinno shaqada ay DCI-du qabanayso," ayuu raaciyay.
Ali Abiikar oo ka tirsanaa maxaabiistii baxsatey ayaa lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa Al-Shabaab iyo inuu ka dambeeyay weerarkii Jaamacadda Garissa ee April 2015 oo ay ku dhinteen 148 qof halka Odhiambo la xiray 2019-kii isagoo isku dayay inuu ku biiro shabakadaha argagixisada.
Akhulunga ayaa sanadkii 2012-kii loo xiray weerar lagu fashiliyay baarlamaanka Kenya, waxaana lagu eedeeyay in uu heystay walxaha qarxa, rasaas iyo hub.
GAROWE ONLINE