Abiy Axmed: Ma isdhiibi doono illaa aan cadawga aasno

Image
Dhawaqan ayaa lagu sheegay fariintiisii ugu horeysay markii uu asbuucii hore tagay jiida hore ee dagaalka.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ballan qaaday guul xilli warbaahinta dowladda sheegtay inay ahayd farriintiisii ​​ugu horreysay markii uu asbuucii hore u kicitimay jiida hore ee dagaalka si uu u hoggaamiyo ciidammada dowladda ee dagaalka muddada sanadka ah kula jira xoogagga waqoyga gobolka Tigray.

Warbaahinta dowladda ayaa Arbacadii sheegtay in Abiy uu u yimid furimaha dagaalka si uu u hogaamiyo duullaan rogaal celis ah oo lagu qaaday ciidamada Tigreega, isagoo xilalka joogtada ah ku wareejiyay ku xigeenkiisa.

Fiidiyow la soo bandhigay Jimcihii, ninka 2019 ku guulaystay abaalmarinta Nobel Peace Prize, ayaa lagu arkay isagoo la socda askar millatari isagoo xiran dareeska ciidanka.

"Ma isdhiibi doono ilaa aan cadawga aasno," ayuu Abiy ku yiri hadal la duubay, isaga oo intaa ku daray in niyadda ciidanku uu aad u sarreeyo. "Waxa aan doonayno inaan aragno waa Itoobiya oo ku taagan naf-hurnimadayada - ama inaan noqonno Itoobiya ama inaan noqonno Itoobiya," ayuu raaciyay.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Kassagita ayna qorshaynayaan inay dib u qabsadaan degmada Chifra iyo magaalada Burka ee gobolka Canfarta oo deris la ah Tigrayga.

"Cadowgu ma haysto mawqif uu nagula tartamo, waan guulaysan doonaa," ayuu tibaaxay isaga oo ku goobaabinaya ciidamadda in ay difaacaan waddankooda.

Muuqaalka oo si weyn loo faafiyey ayaa waxaa la sii daayay kadib markii ay dowladda Itoobiya ay soo saartay amar cusub kaasoo ujeedadiisa lagu sheegay in la xaddido wararka warbaahinta ee dagaalka, oo mamnuucaya wadaaga macluumaadka aan rasmiga ahayn ee "dhaqdhaqaaqyada militariga la xiriira, natiijooyinka dagaalka iyo xaaladaha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM