Abiy Axmed oo dulqaadkii ka dhamaadey, galayna dagaalka TPLF

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in uu hoggaamin doono ciidamada dalkiisa "goobta dagaalka" laga bilaabo talaadada, taasoo ah tallaabo cusub oo cajiib ah iyadoo colaadda muddada sanadka ah ay ku sii dhowaaneyso caasimadda Addis Ababa.

Tobanaan kun oo qof ayaa lagu qiyaasaa in lagu dilay ciidamada Itoobiya iyo kuwa xulafada ah oo dagaal kula jira xoogag ka soo jeeda gobolka Tigreega ee woqooyiga dalkaas, kuwaas oo u badnaa dawladdii qaranka ka hor intii aanu Abiy Axmed xilka la wareegin.

"Laga bilaabo berri [Talaado], waxaan tagi doonaa safka hore ee dagaalka si aan u hogaamiyo ciidamada difaaca," Abiy ayaa ku yiri sidaas hadal uu soo dhigay Twitter-ka galinkii dambe ee Isniintii.

Abiy, oo 45-jir ah, oo horayna u ahaa askari, ma sheegin halka saxda ah ee uu aadi doono Talaadada. Afhayeenkiisa, Billene Seyoum, kama aysan jawaabin codsi loo diray inay fahfaahin bixiso.

Hadalka Abiy ayaa yimid iyadoo jabhaddo ay hogaaminayso TPLF ay sii wadeen inay kusoo siqaan Addis Ababa, iyagoo sheeganaya inay gacanta ku hayaan magaalada Shewa Robit, oo 220km (136 miles) waqooyi bari kaga beegan caasimadda.

Maraykanka iyo dalal kale ayaa ka digay in dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika inay ku dhacdo qaran-burbur islamarkaana xasilooni darro ka abuuro gobolka geeska Afrika intiisa kale.

Abiy ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo reer galbeedka inay ka shaqeynayaan sidii lagu ridi lahaa dowladdiisa, isagoo uga digay faragelinta madaxbanaaniada dalkiisa inay sii wadaan.

TPLF ayaa sheegtay in ay ku cadaadinayso dowladda Itoobiya in ay ka qaado xayiraadda saaran lixda milyan ee qof ee gobolka Tigray ku nool, kuwaasoo aan helin wax gargaar bini'aadanimo mudo saddex bilood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM