Abiy Axmed oo lagu cadaadinayo in uu ka baxo Itoobiya

Image
Image
Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya ayaa muwaadiniinteeda uga digtey in ay sii joogaan Addis Ababa.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Safaaradda Maraykanka ee Itoobiya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda in ay sii joogaan magaaladda Addis Ababa oo dadka shacabka ah loogu baaqey inay hubka qaataan.

Digniintan ayaa timid markii shalay ay Itoobiya ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, iyadoo jabhadda (TPLF) ay qabsatay dhul badan oo katirsan gobollada waqooyi.

Safaaradda Mareykanka oo qoraal ku daabacdey ciwaankeeda Twitter-ka ayaa sidoo kale ka mamnuucday shaqaalaheeda inay u safraan meel ka baxsan xadka magaalada Addis Ababa.

Ilo diblomaasi ayaa sheegaya in Abiy Axmed lagu cadaadinayo inuu dalka Itoobiya isaga baxo, oo musaafuris aado kadib markii TPLF ay horumaro ka sameeyeen dagaalka ka socda Waqooyiga, una soo jihaystay dhanka Addis Ababa.

Dhana kale, Itoobiya ayaa u baroordiiqaysa ciidankii ku dhintay werarkii ugu horeeyey ee TPLF ku qaaday saldhigi ku yaalay ee magaalada makellle ee caasimada Tigray bishii Nobember ee 2020-ka

Baroordiiqdan oo si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay xarunta taliska ciidanka militariga Itoobiy waxaana ka qayb-galay ra'iisul wasaare Abiy Ahmed iyo mas'uuliyiin kale.

Itoobiya ayaa haatan waxay wajahaysaa xaalad kacsanaan ah. Gobolka waqoyga dhaca ee Tigray ayaa waxaa ka oogan colaad uu dhiig badan u daadanayo. Iska hor-imaadka ayaa ah mid sanad-jirsadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM