Abiy oo xubno macaarad ah ku duray wasiiradiisa cusub

Image

ADDIS ABABA - Baarlamaanka Itoobiya ayaa Maanta codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Cusub, ee uu soo dhisay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Gollaha Wasiiradda oo ka kooban 22 xubnood, ayaa waxaa ku jira siyaasi kasoo jeeda gobolka Tigray, oo loo magacaabey Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya.

1 - Demeke Mekonnen Hassen – Ra'iisul Wasaare ku-xigeen iyo Arrimaha Dibadda
2 - Abhrham Belay (PhD) – Wasiirka Gaashaandhigga
3 - Ahmed Shide – Wasiirka Maaliyadda
4 - Muferihat Kamil- Wasiirka horumarinta degaanka
5 - Oumer Hussen Oba – Wasiirka Beeraha
6 - Engineer Aisha Mohammed – Wasiirka Waraabka
7 - Engineer Habtamu Itefa Geleta - Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
8 - Professor Birhanu Nega- Wasiirka Waxbarashadda
9 - Dagmawit Moges – Wasiirka Gaadiidka iyo loogistikada
10 - Gebremeskel Chala – Wasiirka Ganacsiga iyo isdhexgalka gobollada
11 - Melaku Alebel – Wasiirka Wershadaha
12 - Binalf Andualem – Wasiirka Nabadda
13 - Gedewon Timotewos (PhD) – Wasiirka Cadaaladda
14 - Dr. Lia Tadesse – Wasiirka Caafimaadka
15 - Belete Mola – Wasiirka Tiknoolojiyadda iyo Hal-abuurka
16 - Ambassador Nasise Chali – Wasiirka Dalxiiska
17 - Lake Ayalew – Wasiirka Dhakhliga
18 - Chaltu Sani Ibrahim – Wasiirka howlaha guud
19 - Engineer Takelle Uma Benti – Wasiirka Macdanta iyo Batroolka
20 - Kejela Merdasa Tulu – Wasiirka dhaqanka iyo Cayaaraha
21 - Ergoge Tesfaye (PhD) – Wasiirka arrimaha haweenka
22 - Fitsum Asefa (PhD) – Wasiirka qorsheynta

Abrham Belay, waxaa loo dhiibay xilka ugu saameynta badan Itoobiya xilliga oo dagaal ku jirto, isagoo loo magacaabey wasiirka difaaca xili gobolka uu kasoo jeeda ee Tigray ka socdo xad-gudbyo laga dhaxlay duulaankii sanad kahor lagu qaadey.

Abiy Axmed ayaa maalin kahor loo caleema-saaray xilka Ra'iisul Wasaaraha markii 2aad, isagoo shanta sano ee soo socota uu hogaamin doono dalka labaad ee ugu dadka badan Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM