Abiy oo Addis Ababa ka badbaadiyay khatartii kusoo wajahnayd

Image

ADDIS ABABA - Dowladda Itoobiya ayaa Isniintii shalay sheegtay inay dib ula wareegtay laba magaalo oo istiraatiiji ah oo ay ka qabsadeen fallaagada TPLF, waana guulihii ugu dambeeyay ee is-daba jooga ah oo Ciidanka qaranka ka gaarayaan furimaha dagaalka dhanka waqooyi ka socda.

Kumanaan kun oo qof ayaa wajahaya masiibo bini'aadantinimo oo qoto dheer oo ka taagan waqooyiga Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Dowladda ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Dessie iyo Kombolcha ay si buuxda ula wareegeen ciidamada wadajirka ah ee ka kooban kuwa Federaalka iyo Ismaamulka Amxaaradda, kuwaas oo sidoo kale la wareegay gacan ku haynta dhowr magaalo oo kale.

Labada magaalo oo dhaca gobolka Axmaarada oo ku yaala wado wayn oo qiyaastii 400 kilomitir (250 miles) ka xigta dhanka waqooyi bari ee caasimada Addis Ababa, ayaa la sheegay in ay la wareegtay Tigray People's Liberation Front (TPLF) dhamaadkii Bishii October.

TPLF iyo xulafadeeda Oromada, ay markii ay qabsadeen magaalooyinka hadda laga saarey ku goodiyay inay la wareegayaan caasimadda, taasoo keentay cabsi soo wajahday Abiy Axmed.

Abiy -- oo ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel laba sano ka hor -- ayaa bishii hore ku dhawaaqay inuu aadi doono goobta dagaalka ka dib markii fallaagada kusoo dhawaadeen Addis Ababa, iyadoo la sheegay in dagaalku uu ka socday ugu yaraan saddex geesood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM