Ajaaniibta oo ka cararaya Itoobiya iyo Abiy oo jiida dagaalka tagey

Image

BELIN — Jarmalka ayaa ku booriyay muwaadiniintiisa inay uga baxaan Itoobiya, islamarkaana ay soo raacaan duullimaadyada ugu horreeyay ee ganacsi ee la heli karo.

Jarmalka ayaa ku biiraya Faransiiska iyo Mareykanka oo sidoo kale u sheegay muwaadiniintooda inay si degdeg ah u baxaan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muwaadiniinta Jarmalku ay socdal ku mari karaan garoonka caalamiga ah ee Bole ee Addis Ababa.

Dalal ay Canada ka mid tahay ayaa iyaganu toddobaadkii hore ugu baaqay inay muwaadiniintoodu si deg deg ah uga baxaan Itoobiya.

Qararmada Midoobay ayaa iyana Taladaadii sheegtay inay boqolllaal ka mid ah qoysaska shaqaalahooda in laga soo rari doono Itoobiyaa.

Abiy Axmed ayaa shalay tagey Jiida dagaalka, isagoo sheegay inuu hogaamin doono dagaalka ka dhanka ah Jabhadda TPLF, oo kusii siqaysa Addis Ababa.

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM