Al-Shabaab oo 15 xubnood kaga dhinteen qarax ay maleegtey

Image
Warbixinada ayaa xusaya in kooxda miinada aastey iyo dableyda ku naf-wayday aysan iska war hayn.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 15 xubnood oo loo maleynayo Al-Shabaab ayaa dhintay Axaddii ka dib markii gaarigii ay wateen uu dul maray qarax miino meel ku dhow soohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Iyada oo la hadlaya Nation Isniintii, afhayeenka ciidamada Kenya ayaa xaqiijisay in shilku uu ka dhacay abbaare 9.30 subaxnimo inta u dhaxaysa Sarira iyo Ras Kiamboni oo u dhow Ishakani, Lamu County.

Korneyl Esther Wanjiku ayaa xustey in miinada dhulka lagu aaso ay waddada dhigeen koox kale oo ka tirsan Al-Shabaab "ka hor inta aysan xubno kale oo ka tirsan kooxda xagjirka ah soo dul marin".

Sida uu wariyey wargeyska Daily Nation, gaariga ayaa gabi ahaanba gubtey waxaana saarnaa dhamaan dagaalameyaashii saarnaa oo tiradooda lagu sheegay 15 xubnood.

“Waxaan xaqiijin karaa in 15 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ay dhinteen, waxay ahaayeen laba kooxood, mid ka mid ah kooxaha ayaa aasay miinada kaliya kooxda labaad si ay u marto hal dhibic, ma aysan ogeyn, gaarigii ay wateen ayaa dul maray oo qarxay. Dhammaan 15 -kii saarnaa gaariga way dhinteen," ayuu tibaaxdey Col Wanjiku.

Waxay raacisay: "Haddii cadow dhinto, taasi waa wax aan ku farxi karno. Dadka degaanka ah yaan la niyad jabin. Hay'adahayaga amniga ayaa ka go'an inay hubiyaan in nabadda la ilaaliyo".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadan oo ilaa haatan kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida kuwaasoo jabkooda aanan aalaaba soo qaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM