Al-Shabaab oo Macalimiin ku dishay Kenya

Image

WAJEER - Sarkaal katirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in Xoogaga katirsan Al Shabaab ay xalay saddex macalin ku dileen magaalada Wajeer, oo ku dhaw xuduuda Soomaaliya.

Maxamed Saalax, oo ah xiriiriyaha gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya ayaa xaqiijiyay in dabley hubaysan ay weerar ku qaadey Qarsa primary school kadibna ay dileen macalimiinta aan Muslim-ka ahayn.

Saalax ayaa intaasi ku daray in ciidamado gurmad ah oo ku baxay weerarka Iskuulka qarax miino lagula eegtay wadada, balse aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaarey.

Waxbarashada magaalooyinka ku yaalla xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa saameyn xooggan ku yeeshay weerarada Al-Shabaab, kadib markii macalimiinta Kirishtanka ah ay diideen inay halkaasi ka howlgalaan.

Al Shabaab ayaa 2014 weerar ay ku qaadey Gaari Bus ah duleedka Mandheera ku dishay macalimiin aan Muslim ahayn, iyadoo weerarkaasi baqdin ku abuuray Bariyaasha ka ka shaqeynayay Iskuuladda gobolka.

Tan iyo markii Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011 waxay Al Shabaab dalkaasi ka fulisay weeraro badan, oo kamid ahaa kuwii Westgate Mall ee Nairobi iyo Jaamacadda Gaarissa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM