Al-Shabaab oo Qarax ka fulisay dalka Kenya - Fahfaahin

Image
Image
Image
Image

GARISSA — Sideed askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ayaa ku dhaawacmay Talaadadii kadib markii gaarigii ay wateen oo ah nooca gaashaaman uu ku qarxay miino, deegaanka u dhexeeya Kiwanja iyo Yumbis ee degmada Fafi, gobolka Garissa ee Waqooyi Bari Kenya.

Qaraxan ayaa ka dhacay qiyaastii 10 kiiloomitir u jirta magaalada Yumbis xilli ciidamadaasi ay ku jireen kormeerka joogtada ah ee deegaanka. Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa ku tuhunsan in miinada ay dhigeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugan gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Garissa, Mohamed Mwabudzo, ayaa xaqiijiyay weerarka, isaga oo sheegay in dhammaan ciidamada dhaawacmay la gaarsiiyay xarumo caafimaad isla markaana ay xaaladoodu tahay mid deggan.

Kadib weerarka, waxaa la bilaabay hawlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka si loo raadiyo dambiilayaasha iyo in la hubiyo in aysan jirin khataro kale oo deegaanka ku sugan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan falalka amni-darro ee ay ka wadaan kooxaha xagjirka ah xuduudaha Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan gobollada Garissa, Mandera, Lamu iyo kuwa la deriska ah.

Bishii hore, toddobo askari ayaa ku dhaawacmay 8-dii Luulyo kadib markii gaarigii ay wateen uu la kacay miino kale oo IED ah, taasoo ka dhacday wadada u dhaxeysa Gadudia iyo Laga ee Mandera Bari, gobolka Mandera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM