Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Image
Madaxweynihii hore ee DR Congo Joseph Kabila

GOMA — Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Joseph Kabila, ayaa sameystay isbahaysi cusub oo siyaasadeed iyo militari, kaas oo beddelaya isbahaysigii AFC-M23 ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda bariga dalkaasi.

Isbahaysiga cusub oo lagu magacaabo Front for the Refoundation of the Nation (FRN) ayaa la sheegay inuu mideynayo kooxaha ka soo horjeeda dowladda Madaxweyne Félix Tshisekedi, waxaana hoggaaminaya Kabila, halka hoggaamiyeyaasha kooxaha hubeysan ay noqonayaan ku-xigeenno.

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

Claude Ibalanky, oo ah la-taliyaha isbahaysiga cusub, ayaa sheegay in ujeeddadiisu tahay in la mideeyo xoogagga mucaaradka si loo soo afjaro waxa ay ku tilmaameen maamul xumo iyo kali-talisnimo. Wuxuu sheegay in isbahaysigu adeegsan karo awood ciidan si uu u gaaro hadafkiisa.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in Kabila uu si toos ah ugu lug yeelanayo dhaqdhaqaaqa hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda, kaddib markii uu horay u diidanaa inuu si cad u taageero kacdoonka M23.

Dowladda Congo ayaa Kabila ku eedeysay inuu xiriir iyo taageero la leeyahay kooxaha hubeysan, eedeymahaas oo uu hore u beeniyay. Mareykanka ayaa sidoo kale cunaqabateyn saaray sannadkan, isagoo ku eedeeyay inuu taageero siinayo kooxaha fallaagada ah.

Kabila, oo dalka hoggaaminayay intii u dhexeysay 2001 iyo 2019, ayaa sannadkii hore maxkamad militari oo dalkaasi ku taalla ku xukuntay dil isaga oo maqan, kaddib markii lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin khiyaano qaran iyo dambiyo dagaal. Wuxuu diiday eedeymaha, isaga oo dacwadda ku tilmaamay mid siyaasadeysan.

Isbahaysiga cusub ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda bariga Congo. Dowladda Congo iyo kooxda AFC-M23 ayaa wadahadallo ka wada magaalada Doha, balse dagaalladu weli way socdaan, waxaana tallaabada Kabila ay sii adkeyn kartaa dadaallada nabadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles