Algeria oo u yeertay safiirka dowladda Faransiiska

Image
Talaabadan ayaa salka ku haysa xiisad ka dhex-qaraxdey Paris iyo dalalka dhaca waqoyga Afrika.

ALGERIS, Algeria - Aljeeriya ayaa u yeertay safiirka Faransiiska kadib markii ay xukuumada Paris ay sheegtey inay dhimi doonto tirada fiisooyinka ay heli karaan muwaadiniinta ka soo jeeda dalalka Maghreb.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Aljeeriya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in safiirka Faransiiska loo yeeray “si loo ogeysiiyo mudaaharaad rasmi ah ... kadib go’aanka hal dhinac ee Faransiiska".

Tallaabada dowladda Faransiiska ayaa jawaab u ah diidmada dowladaha dhaca Waqooyiga Afrika ee ku aadan in ay dib-u-celiyaan muhaajiriinta sharci darrada ah ee wadamadaas uga talaabeysa Faransiiska.

"Waxaan si weyn hoos ugu dhigi doonnaa tirada fiisooyinka," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska, Gerald Darmanin, kaasoo saxaafadda kasoo muuqdey ayaa Arbacada maanta ah.

Tirada fiisooyinka la siinayo Aljeeriya iyo Marooko ayaa la dhimi doonaa 50 boqolkiiba, halka fiisooyinka la siiyo muwaadiniinta Tunisia la dhimi doono saddex meelood laba, sida uu shaaciyey wasiir Darmanin.

Tahriibku ayaa wuxuu noqday qodob muhiim ah oo kasoo muuqdey ajandayaasha ugu waaweyn ee ololaha doorashada siyaasiyiinta muxaafidka iyo kuwa midigta ee Faransiiska.

Murashaxa madaxweynenimo ee midigta fog Marine Le Pen ayaa taageertay dhimista fiisaha, balse waxay ku baaqdey in xukuumadda Madaxweyne Emmanuel Macron ay waqti siiso ka hor inta aysan ku dhaqaaqin.

Le Pen ayaa ahayd musharaxa sida weyn ula tartamayay Macron doorashadii 2017 waxaana loo arkaa in ay tahay mucaaradkiisa ugu weyn ee baratanka ugu weyn uu kala kulmi doono coddeynta nagu soo fool leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM