Baarlamanka oo ansixiyay isbedelka lagu sameeyay calanka iyo magaca DDSI

Image

JIGJIGA - Xildhibaanada Baarlamanka Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya, ayaa maanta cod aqbaliyad leh ku ansixiyay hindisaha cusub ee Madaxweyne Mustafa ku bedalay calanka iyo magaca DDSI.

Calanka ayaa lagu soo celiyay sidiisii hore oo ay qeybta dambe uga jirtay midib saddex-xagal Buluug ah, oo dhexda kaga taallo xidigta, iyadoo sidoo kale laga dhigay magaca maamul goboleedka Soomaaliya.

"Waxaan Mahad Balaadhan u Celinayaa Baarlamaanka Deegaanka sida Sharafta leh ay u ansixiyeen in dib loo soo celiyo calankii hore ee xiddigta shanta soomaaliyeed," ayuu lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Mustafa.

Madaxweynihii hore ee is-casilay bishii July, Cabdi Illey oo hadda xabsi ku jira ayaa bedelay 2008 calanka iyo magaca, isagoo xilligaasi meesha ka saarey dhamaan astaamihii Soomaalidnimada muujinayay.

Laakiin, Madaxweynaha cusub Mustafa Maxamed Cumar, ayaa wixii hore laalay, oo kusoo celiyay sidoodii hore, waxaana uu sheegay in shacabkiisa ay yihiin Soomaali qaatey muwaadinimada Ethiopia.

"Wa shaki ah kuma jiro inaan Soomaali nahay, oo noqonay muwaadiniin haysta dhalasha Ethiopia, magaca rasmiga ah ee maamulkeena waa Maamul goboleedka Soomaaliya", ayuu yiri Mustafa.

Waa sidoo kale Eryga Ethiopia laha saarey magaca Xisbiga haya talada maamulka Madaxweyne Mustafa, iyadoo la baabi'iyay astaamihii hore ee ka muuqan jiray erayga Ethiopia.

Mustafa oo mudo Qaramada Midoobey lasoo shaqeeyay, ayaa kamid ah dadkii dhibanaha u noqday tacadiyadii maamulkii Cabdi Illey, iyadoo laga dilay 2016 nin isaga la dhashay, sababo la xiriira warbixino uu ka qoray xad-gudubyadii ciidamada Liyuu Boolis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM