Bandow lagu soo rogay gobol ay weerartey Al-Shabaab

Image
Weerarkan ayaa lagu dilay todoba qof - oo laba kamid ah la gowracay.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa ku soo rogtay bandow subax ilaa maqrib ah gobolka xeebta ah ee Lamu kadib markii weerar dad lagu gowracay uu ka dhacay halkaas, sida ay warisay saxaafada.

Maleyshiyaad loo maleynayo Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay dileen toddobo qof - oo labo ka mid ah ay qoorta ka jareen. Saraakiisha waxay ku raadjoogaan gacan ku dhiigleyaasha.

Wasiirka amniga gudaha, Fred Matiangi, ayaa sheegay in bandowga uu yahay mid lagu caawinayo ciidamada ammaanka si ay u ugaarsadaan mintidiinta.

Dhowr tuhmane ayaa horay loo xiray, sida uu sheegay afhayeenka booliiska, kaasoo hoosta ka xariiqay in ay rajo fiican ka qabaa soo qabashadda kooxda geysatay falkaas.

Inkastoo ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka ay ku sugan yihiin Al-shabaab, haddana Al-shabaab waxay dhowr jeer weerarro ka geysatay gobolkaas, kuwaasoo ay ku dileen tobanaan qof, guryona ay ku gubeen.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Isniintii, ayaa waxaa lagu dilay shan ruux, halka laba kalana ay qoorta ka gooyeen. Dhacdadan waxay cabsi badan ku abuurtey dadweynaha kuwaasoo ka carayaya guriyahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM