Bassirou Diomaye Faye oo Ku Guuleystay Madaxtinimada Senegal Kadib Tartan Adag

Image
Dhowr musharax oo mucaarad ah ayaa u hambalyeeyay Faye.

Dakar (GO) - Musharaxa Mucaaradka Senegal, Bassirou Diomaye Faye, ayaa loo asteeyay inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka.

Natiijooyinka doorashada oo si tartiib tartiib ah u soo baxayay tan iyo markii ay xirmayeen goobaha codbixinta Axaddii ayaa muujiyay in Faye, oo 44 jir ah, uu helay aqlabiyadda codadka.

Natiijadan ayaa keentay in taageerayaashiisu ay isugu soo baxaan waddooyinka caasimadda Dakar.

Musharaxa isbahaysiga talada haya, Amadou Ba, ayaa markii hore ku tilmaamay isu soo baxyadan inay yihiin kuwo lagu degdegay, isagoo sheegay in loo baahan yahay wareeg labaad oo codbixineed si loo go’aamiyo guuleystaha.

Si kastaba, Amadou Ba ayaa maanta wacay Fay si uu ugu hambalyeeyo guusha, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda oo la hadlay saxafiyiinta.

“Anigoo tixraacaya isbeddelada natiijada doorashada madaxtinimada iyo iyadoo aan sugayno ku dhawaaqista rasmiga ah, waxaan hambalyeynayaa… Faye guushiisa wareegga koowaad,” ayuu Ba ku yiri bayaan.

Kala guur nabdoon oo ka dhaca Senegal ayaa la filaya inay kor u qaaddo dimuqraadiyadda Galbeedka Afrika, halkaasoo ay ka dhaceen sideed afgembi milatari tan iyo 2020.

Qaar ka mid ah golayaasha militariga ee awoodda la wareegay ayaa jaray xiriirkii ay la lahaayeen Faransiiska iyo Mareykanka, iyagoo beddelkeeda u jeestay Ruushka si ay uga caawiyaan la dagaallanka kacdoonka jihaadiga ah ee ku faafaya dalalka deriska la ah Senegal.

Guddiga doorashada weli ma shaacin tirakoobka codadka la dhiibtay ilaa iyo hadda. waxaana la filaya in maxkamadda racfaanka ee Dakar ee ku dhawaaqdo Natiijooyinka rasmiga ah.

Dad badan ayaa rajaynaya in doorashadu u horseeddo Senegal xasillooni iyo koboc dhaqaale, ka dib saddex sano oo ah xasilooni darro siyaasadeed oo aan horay loo arag oo ku habsatay dalka.

Kaalinta Codbixiyeyaasha da’da yar

Dhowr musharax oo mucaarad ah ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Faye, oo ay ku jirto Anta Babacar Ngom, oo ahayd haweeneyda kaliya ee tartamaysay.

Guusha Fay ayaa waxaa kaalin mug leh ka qaatay hogaamiyaha firfircoon ee mucaaradka Ousmane Sonko, oo laga mamnuucay inuu u tartamo doorashada sababo la xiriira xukun ku dhacay.

Labadan nin oo hore u ahaan jiray baarayaal canshuur ayaa ololahooda ku midaysnaa iyagoo ku dhawaaqaya “Diomaye waa Sonko”, waxayna ballan qaadeen inay la dagaallamaan musuqmaasuqa isla markaana mudnaanta siiyaan danaha dhaqaale ee qaranka.

Waxaa si gaar u codeeyay codbixiyeyaasha da’yarta ah, waxaana in ka badan 60% ee dadka Sengal ay da’doodu ka yar tahay 25-sano, waxayna badankood ay la’yihiin shaqooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM