In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Image

KHARTUUM — In ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay maalmihii la soo dhaafay ka fuliyeen qaybo kala duwan oo Suudaan ah, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka iyo kooxaha xuquuqda aadanaha.

Kooxda Emergency Lawyers, oo la socota xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah, ayaa sheegtay in weerar ka dhacay magaalada Khartuum Isniintii lagu dilay saddex carruur ah. Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

Weerarrada ayaa lagu eedeeyay labada dhinac ee ku dagaallamaya Suudaan, kuwaas oo kala ah ciidanka dowladda iyo xoogagga gurmadka degdegga ah ee RSF. Dagaalka labada dhinac ayaa billowday sannadkii 2023-kii, waxaana bilihii u dambeeyay sii kordhay isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo sababtay khasaarooyin badan oo rayid ah.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ayaa Axaddii fiidkii ka dhacay meel u dhow suuq ku yaalla magaalada Al-Dibab, ee gobolka Kordofan Galbeed, oo ay maamulaan xoogagga RSF.

Dad deegaanka ah iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn ay weerartay goob gaadiid laga raaco, halkaas oo dad tuulooyinka ka yimid ay isugu yimaadeen si ay guryahooda ugu laabtaan kaddib maalin suuq ah. Weerarka ayaa la sheegay in uu dilay 80 qof.

Ilo caafimaad ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in 47 qof oo dhaawacmay la geeyay magaalada u dhow ee Al-Mujlad, halkaas oo 30 ka mid ah ay markii dambe ugu dhinteen dhaawacyadooda.

Maamulka Tasis ee ay sameysteen RSF iyo kooxda Emergency Lawyers ayaa ciidanka dowladda ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerarka, inkasta oo aan faahfaahin madax-bannaan laga helin cidda fulisay.

Dhanka bariga Suudaan, ilo militari ayaa sheegay in difaaca cirka ee ciidanka dowladda uu Axaddii ka hortagay dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay RSF ku bartilmaameedsatay biyo-xireennada Atbara iyo Setit, ee gobolka Gadaref, oo qiyaastii 420 kiiloomitir bari ka xiga Khartuum. RSF ayaan isla markiiba ka hadlin weerarkaasi.

Subaxnimadii Isniinta, weerar kale oo diyaarad aan duuliye lahayn ayaa ka dhacay magaalada Nyala, oo ah xarunta gobolka Daarfuurta Koonfureed isla markaana ah saldhig muhiim u ah RSF.

Ilo caafimaad iyo kuwo ka tirsan RSF ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 17 qof, oo ay ku jiraan toddobo sarkaal oo ka tirsan RSF, halka 23 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka Suudaan ayaa tan iyo bishii Abriil 2023 sababay dhimasho baahsan, barakac malaayiin qof ah iyo burburka adeegyada aasaasiga ah, iyadoo dadka rayidka ahi ay weli wajahaan khataro sii kordhaya oo ka dhashay dagaallada iyo weerarrada cirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles