Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika
ADDIS ABABA - Dowladda Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay mashruuca ugu weyn Afrika ee korontada laga dhaliyo, Biyo-xireenka Dib-u-dhalashada Itoobiya ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo laga dhisay webiga Buluugga ah ee Niil.
Biyo-xireenkan ayaa la filayaa inuu soo saaro in ka badan 6,000 megawatts oo koronto ah, taasoo Itoobiya ka dhigi doonta dhoofiyaha ugu weyn ee korontada ee qaaradda Afrika. Mashruucan oo ku kacay in ka badan $4 bilyan oo doolar ayaa si buuxda loo dhameystiray bishii Luulyo 2025, iyadoo dhaqaalihiisa uu ka yimid shacabka Itoobiya ee gudaha iyo qurba-joogtaba.
Biyo-xireenka GERD ayaa saameynaya 11 dal oo kala ah 9 dal oo sare iyo 2 dal oo hoose ee webiga Niil. Dalalka hoose, gaar ahaan Masar iyo Suudaan, ayaa si weyn uga walaacsan in biyo-xireenkan uu saameyn ku yeesho helitaanka biyahooda, iyagoo horey uga soo horjeeday dhismaha mashruuca.
Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin. Itoobiya, oo dooneysa horumar degdeg ah, waxay dooratay inay mashruuca ku dhameyso waqti gaaban – arrintaasoo sababtay khilaaf siyaasadeed iyo mid sharciyeed oo qoto dheer.
In kasta oo la isku dayay dhexdhexaadin caalami ah oo ay hormuud ka yihiin Midowga Afrika, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay, haddana heshiis rasmi ah oo sharci ku xiran looma gaarin sidii loo wadaagi lahaa biyaha webiga.
Masar waxay ku doodeysaa in heshiiskii biyo qaybsiga ee 1959 ay xaq siinayo in 66% biyaha Niil ay iyada leedahay, halka Suudaan la siiyay 22%. Itoobiya iyo dalalka kale ee kor ku xusan ma saxiixin heshiisyadan, waxayna u arkaan in aysan waafaqsaneyn sharciga caalamiga ah ee biyaha xuduudka ka gudba.
Waxaa la og yahay in 86% biyaha webiga Niil ay ka yimaadaan buuraha Itoobiya, taasoo Itoobiya u aragto inay xaq u leedahay ka faa’iideysiga biyahaas si ay u horumariso nolosha dadkeeda.
Biyo-xireenka GERD ayaa noqonaya astaan midnimo qaran ah, waxaana la filayaa inuu:
- Dhiirrigeliyo warshadeynta miyiga iyo yareeyo isticmaalka dhuxusha iyo qoryaha.
- Kor u qaado tayada waxbarashada iyadoo koronto la helayo xilliga habeenkii.
- Yareeyo wasakhowga deegaanka ee ka dhasha gubidda dhuxusha.
- Kordhiyo internet-ka iyo isgaarsiinta meelaha fogfog ee dalka.
Biyo-xireenka wuxuu sidoo kale u keeni karaa Suudaan xakameyn fatahaado, iyo Masar difaac abaar haddii la helo iskaashi dhab ah.
Masar iyo Suudaan waxay weli sheeganayaan in Biyo-xireenka lagu hawlgeliyay si sharci-darro ah oo aan heshiis lagu gaarnin. Masar xitaa waxay ku hanjabtay in "tallaabo walba" ay qaadayso si ay u ilaaliso xuquuqdeeda "taariikhiga ah" ee biyaha Niil.
Si kastaba ha ahaatee, khubaro caalami ah ayaa sheegaya in heshiisyadii hore ee gumeysiga ay hareer marsan yihiin mabaadi’da sharciga biyaha caalamiga ah, kuwaasoo dhigaya isticmaal cadaalad ah, iskaashi iyo in la iska ilaaliyo waxyeelo weyn oo dhinac u dhacda.
Iyadoo mashruuca GERD si rasmi ah loo furay maanta, 9ka Sebtembar 2025, ayaa wali su’aalo badan ay taagan yihiin oo ku saabsan mustaqbalka wadaagga biyaha Niil. In kasta oo Itoobiya ay guul weyn u aragto biyo-xireenka, haddana khilaafka la xiriira biyaha Niil wuxuu weli yahay halis siyaasadeed, mid bulsho iyo deegaanba leh, haddii aan xal waara laga gaarin.
GAROWE ONLINE