Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Image

KAMPALA – Taliyaha Ciidanka Difaaca ee dalka Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa soo saaray dalabyo layaab leh oo hadal-hayn badan ka dhaliyay fagaarayaasha caalamka.

Jeneraal Muhoozi, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa si cad u codsaday in la siiyo "gabadha ugu quruxda badan dalka Turkiga", isagoo sheegay inay tahay midda uu doonayo inuu guursado.

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar. Lacagtan ayuu sheegay inay tahay mid ay xaq u leedahay Uganda, taasoo looga abaal-marinayo kaalintii ciidamadeedu ka qaateen la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka dagaallama dalka Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab.

Jeneraal Muhoozi ayaa ku dooday in ciidamada Uganda ay dhiig badan u hureen xasilinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Islaamiga ah, sidaas darteedna ay mudan yihiin magdhow lacageed oo gaaraya hal bilyan oo dollar.

Hadaladan kasoo yeeray taliyaha ciidanka ayaa imaanaya xilli uu Jeneraal Muhoozi inta badan caan ku yahay qoraallo ka careysiiya diblamaasiyiinta ama layaab ku noqda dadweynaha oo uu ku baahiyo baraha bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo codkiisa dhiibtay xilli xisbigiisa loo saadaalinayo guusha doorashada Itoobiya

Goobaha codbixinta ayaa albaabada loo furay 6:00 subaxnimo, iyadoo safaf dhaadheer lagu arkayay meelo badan saacadihii hore ee maalinta.

  • Afrika

    01-06-2026

  • 07:46AM

Itoobiya oo Galaysa Doorasho Taariikhi ah: Isbeddelada Siyaasadda, Caqabadaha iyo Xisbiyada Tartamaya

In kasta oo tirada isdiwaangalisay ay sarrayso, haddana dad badan oo reer Itoobiya ah ayaa ka qatan doorashadan sababo la xiriira.

  • Afrika

    31-05-2026

  • 06:52PM