Blinken oo Nairobi kula kulmaya madaxda Urur Goboleedka “IGAD”

Image
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken oo kasoo degay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi dalka Kenya. SAWIRRKA |WASAARADDA DIBADDA KENYA

NAIROBI- Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda urur goboleedka IGAD, taasoo qayb ka ah dadaallada uu ugu jiro sidii uu nabad looga dhalin lahaa Geeska Afrika.

Blinken ayaa subaxnimadii Arbacada (1.20am EAT) diyaaradiisu soo cagadhigayey gegida caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport ee caasimada Kenya ee Nairobi si uu u dhameystiro kulamo uu la yeelan doono Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka dhici doona Aqalka Madaxtooyada iyo dhiggiisa Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo.

Blinken ayaa horay u sheegey inuu kala hadli doono madaxda gobolka arimaha amniga, isbeddelka cimilada, arrimaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka inta uu ku guda jiro safarkiisa Afrika. Waxaa kaloo lagu wadaa inuu booqdo Nigeria iyo Senegal.

Wadahadalka ayaa inta badan diirada saari doona dalka Itoobiya.

Ka dib sanado dagaal sokeeye ee ka dhacay gobolka Tigray Itoobiya, hogaamiyayaasha ayaa ku baaqayay wadahadal iyo in xal nabadeed lagu dhameeyo dagaalada guul la’aanta ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM