Booliska Itoobiya oo xiray Mas'uuliyiin kale oo katirsan DDSI

Image

JIGJIGA - Ciidamada Booliska dowladda Federaalka ah ee dalka Itoobiya, ayaa maanta xabsiga dhigay lix xubnood oo kamid ahaa Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaasoo shalay xasaanadda laga qaadey.

Taliyaha Booliska Itoobiya, Zeyinu Jemal ayaa xaqiijiyay in la xiray 6 xubnood oo kamid ahaa Baarlamaanka DDSI, kuwasoo lagu soo eedeeyay inay sameeyeen kicin dadweyne oo sababtay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalooyin ku yaalla gobolka.

Gollaha Sharci dejinta dowlad degaanka ayaa shalay xasaanadii ka xayuubiyay 7 xubnood oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illey], kaasoo isla shalay lagu xiray magaalada Addis Ababa.

Cabdi Illey oo DDSI soo maamulayay mudo 15 sano ayaa waxaa loo heystaa ku xad-gudubka xuquuqul insaanka, musuq maasuq iyo inuu kaalin ku lahaa rabashadiihii dhacay.

Saraakiisha maanta la xiray iyo Cabdi Illey ayaa la filayaa in dhawaan maxkamad lasoo taago, sida uus sheegay Zeyinu Jemal oo la hadlay Warbaahinta dowladda Itoobiya.

Hoos ka akhriso xubnaha la xiray:

1. Cabdi Maxamed Cumar – Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka,

2. Cabdi Jamaal Qelonbi - Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Wasiirka Caddaaladda,

3. Raxma Maxamed – Madaxa arrimaha Haweenka iyo Caruurta,

4. Ibraahim Mahdi – Wasiirka Waxbarashada,

5. Deeq Cabdullaahi – Ku xigeenka Wasiirka Horumarinta Biyaha iyo Khayraadka,

6. Ibraahim Maxamed Mubaarak – Duqa magaaladda Jigjiga,

7. Cumar Cabdi – Madax arrimaha siyaasadda ee Xisbiyadda Shacbiga Soomaalida Itoobiya ee ESPDP.

Waxa kaloo booliska Itoobiya uu baarayay islamarkaana aqoonsaday koox dhalinyaro ah oo uu abaabulay Cabdi Illey lagu magacaabo Heego, kuwaasii qeyb ka qaatey dibad-baxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale.

Warsidaha Garowe Online ayaa isha ku hayay isbedellada ka socda DDSI oo lugaha la galay qalalaase siyaasadeed bishii lasoo dhaafay taasoo horseeday inuu is-casilo Cabdi Illey. [Halkan ka akhri warbixinta]

GAROW ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM