Cabdi Iley oo laga sii daayay xabsiga uu ku jiray tan iyo sanadkii 2018-kii

Image
Xukuumadda Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqdey in ay ka laabatay dacwadii ka dhanka ahayd madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah waxa ay u laashay dacwad ka dhan ah hoggaamiyihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamed Cumar (Cabdi Iley).

Sida laga soo xigtay warbaahinta xiriirka la leh xukuumadda Addis Ababa ee Fana Television, go'aanka waxaa loo qaatay "iyadoo loo eegayo danta guud ee waarta".

Dhanka kale, Cabdi Iley oo fariin cod ah soo duubay ayaa waxa uu ku xaqiijiyey in uu dib u helay xorriyadiisa, isaga oo carabka ku adkeeyay in uu u mahadnaqayo cid walba soo dhaweysay sii deyntiisa.

"Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ra'iisul Wasaaraha dowladda federaalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed, oo go'aansadey in bisha Ramadaan awgeed usoo daayay maxaabiista Soomaalida," ayuu raaciyay.

Cabdi Illey ayaa xabsi la seexiyay bishii August ee sanadkii 2018-kii. Markii la xirayay, guud ahaan Itoobiya waxaa ka jirtay dabeyl isbedel doon ah taas oo ay hormuud ka ahayd xukuumadda Abiy.

Xilligii Cabdi Iley uu hoggaamiyaha ka ahaa, hay'adaha xuquuqul insaanka waxay soo sheegeen xad-gudubyo xunxun oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay deegaanka Soomaalida.

Gabood-falladan ayaa waxay u badnaayeen kuwa uu maamulka Cabdi Iley kula kacayay dadka kasoo horjeeda xukunkaas kuwaas oo u badnaa xubnaha Jabhadda Xorreynta Degaanka ee ONLF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM