Cabdi Iley oo laga sii daayay xabsiga uu ku jiray tan iyo sanadkii 2018-kii

Image
Xukuumadda Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqdey in ay ka laabatay dacwadii ka dhanka ahayd madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah waxa ay u laashay dacwad ka dhan ah hoggaamiyihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamed Cumar (Cabdi Iley).

Sida laga soo xigtay warbaahinta xiriirka la leh xukuumadda Addis Ababa ee Fana Television, go'aanka waxaa loo qaatay "iyadoo loo eegayo danta guud ee waarta".

Dhanka kale, Cabdi Iley oo fariin cod ah soo duubay ayaa waxa uu ku xaqiijiyey in uu dib u helay xorriyadiisa, isaga oo carabka ku adkeeyay in uu u mahadnaqayo cid walba soo dhaweysay sii deyntiisa.

"Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ra'iisul Wasaaraha dowladda federaalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed, oo go'aansadey in bisha Ramadaan awgeed usoo daayay maxaabiista Soomaalida," ayuu raaciyay.

Cabdi Illey ayaa xabsi la seexiyay bishii August ee sanadkii 2018-kii. Markii la xirayay, guud ahaan Itoobiya waxaa ka jirtay dabeyl isbedel doon ah taas oo ay hormuud ka ahayd xukuumadda Abiy.

Xilligii Cabdi Iley uu hoggaamiyaha ka ahaa, hay'adaha xuquuqul insaanka waxay soo sheegeen xad-gudubyo xunxun oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay deegaanka Soomaalida.

Gabood-falladan ayaa waxay u badnaayeen kuwa uu maamulka Cabdi Iley kula kacayay dadka kasoo horjeeda xukunkaas kuwaas oo u badnaa xubnaha Jabhadda Xorreynta Degaanka ee ONLF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM