Cabdi Illey oo markale Maxkamad lasoo taagey

Image

ADDIS ABABA - Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illey], madaxwaynihii hore ee DDSI ayaa Arbacadii kasoo hor-muuqday maxkamad Federaal ah oo ku taala caasimada Itoobiya, halkaasi oo ay ka socota dacwad ka dhan ah 47 qof oo uu kamid yahay.

Ujeedka shalay loosoo taagay maxkamada ayaa lagu macneeyay si muddo kordhin loogu sameeyo inta uu xabsiga kusii jirayaan, maadaama lasoo gabagabeeyay baaris ku socotay, xeer-ilaalintu tibaaxday in lagu helay dambiga.

Garsoorayaasha maxkamada ayaa ku kordhiyay muddo todobaad ah inay baaqi kusii ahaadaan xabsiga, iyada oo todoba cisho kadib mar kale la horkeeni doono maxkamada si ay uhadlaan qareenada labada dhinac.

Dacwad-oogayaasha ayaa soo bandhigi doona caddeymaha ay uhayaan eedaymaha loosoo jeediyay eedanaysanayaasha, xili Garyaqaanada difaacaya ay fursad uhelayaan inay u garaabaan.

Cabdi Illay iyo saaxiibadiisa oo 41 kamid ah ay ka maqan yihiin gacmaha cadaalada ayaa loo haystay ku tagfi awoodeed, xadgudub ka dhan ah xuquuqda Aadanaha iyo waliba rabshadii Jigjiga ka dhacay 4-tii Agoosto ee sanadkii hore.

Haatan kaliya lix xubnood oo uu kamid yahay Cumar ayaa ku jira gacanta laamaha garsoorka, kuwaasi oo xukun sugayaal ah.

Qul-qulatooyinkaasi ayaa lasoo wariyay inay ku geeryoodeen ku dhowaad 59 ruux, xili ay ku dhaawacmeen in ka badan 200 kale, waxaana ku burburtay Hanti lagu qiyaasay 412 milyan oo lacagta Itoobiya ah.

Maamulka cusub ee uu marajaha uhayo Mustafa Cagjar ayaa wacad ku maray inay cadaaladda wajahayaan cid kasta oo ku lug-lahayd dhibaatooyinka degaanka ka dhacay, oo ay kamid tahay dil wadareed.

Baarayaasha ayaa tibaaxay in tuulooyin ka tirsan DDSI ay kasoo haleen mudadii ay baarista wadeen Xawaalo wadareedyo, kuwaasi oo ay xuseen inay kamid tahay caddeymaha loo hayo kiiska lagu soo oogay Cabdi Illey iyo kooxdii la shaqeynaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM