Ciidamada Suudaan oo lagu eedeeyay dilka banaanbaxyaal

Image
Mudaaharaadyadda ayaa gilgilay magaalooyin ay kamid tahay caasimadda Khartuum.

KHARTUUM, Sudan - Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegay in 10 qof la toogtay xilli ciidamada ammaanka ay isku dayayeen in ay kala furfuraan mudaaharaadyo isdaba joog ah oo looga soo horjeedo xukun la wareegidda militariga.

Sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa lagu tuuray hal koox oo ku sugnaa caasimadda Khartoum.

Dhaqdhaqaaqayaasha guud ahaan Suudaan ayaa ku baaqay in dadka ay isugu soo baxaan waddooyinka si ay u xusaan maalinta la rabay in qof rayid ah uu la wareego hoggaanka golaha sare ee maamulka.

Inkastoo ciidamada ammaanku ay qaadeen tallaabooyin ay ku joojinayaan, haddana rag, dumar iyo carruur ayaa isugu soo baxay waddooyinka Khartoum.

Isku soo baxyo dhowr ah ayaa dadku waxay ruxayeen calanka Suudaan, waxayna cambaareeyeen militariga. Qadiyadoodu waxay haysataa taageero badan oo caalami ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in kaalmada dhaqaale ee aadka loogu baahan yahay dib loo bilaabi doono haddii milatarigu uu joojiyo.

Kuwii mas'uulka ka ahaa ciidamada ammaanka ee Suudaan ayaa marar badan u jeestay rabshado si ay u helaan jidkooda. Imika mudaharaadayaasha geesiyaasha ah ma quustaan. Taasi waa sababta xaaladda Suudaan ay u kacsan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM