Ciidamo la wareegay Jigjiga iyo Xaaladda oo kacsan [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

JIGJIGA - Wararka aan ka helayno magaalada Jigjiga, ee xarunta dowlad deagaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya inay halkaasi saaka ka jirto xiisad kacsanaan ah, kadib markii ay Ciidamo cusub oo ku Federaalka ka socda ay soo galeen.

Xiisada ayaa timid kadib markii Madaxweyne Cabdi Illey uu diiday in isaga iyo Gollahiisa wasiiradda ay tagaan magaalada Addis Ababa, oo la sheegay inuu ugu yeeray Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, si ay uga wada hadlaan Xaaladda dowlad degaanka.

Kadib markii uu Cabdi Illey diidaya Amarka Abiy Axmed, Xukuumadda Addis Ababa ayaa Ciidamo u dirtay Jigjiga, kuwaasoo lagu soo waramayo inay la wareegeen wadooyinka muhiimka ah, Xarunta Baarlamaanka, Garoonka Diyaaradaha iyo Telefeshinka ESTV.

Rasaas ayaa laga maqlayaa qeybo kamid ah magaalada, iyadoo Ciidamada daacada u ah Cabdi Illeh ee loo yaqaano Liyuu Boolis ay isku dayayaan inay kahor tagaan Ciidamada Federaalka inay la wareegaan aqalka Madaxtooyadda.

Afhayeenka Baarlamaanka Dowlad Degaanaka Itoobiya, Maxamed Rashiid Isaaq, ayaa xaqiijiayay in Ciidamada Federaalka dalkaasi ay la wareegaan guud ahaan Jigjiga, islamarkaana aysan garaneynin sababta tallaabadan ka dambeysa.

Lama oga halka uu ku sugan yahay Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar [Cabdi Illeh], oo ay xaaladda ku xun tahay, maadaam xiriirka kala dhaxeeya Abi Axmed uu xumaaday, islamaaraana mucaarado xooggan la kulmayay mudooyinkii dambe.

Warar hoose uua Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid dowladda dhexe ee Itoobiya uga hortageyso Kulan ay maanta oo sabti ah Baarlamaanka uga doodi lahaa qodobka 39-aad ee Dastuurka dalkaasi, oo u ogolaanaya dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya inay ka baxdo nidaamka Federaalka ama ay go'do.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM