Dad ay caruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Image
Dhacdadan foosha xun ayaa noqonaysa musiibadii labaad ee noocaan ah muddo laba toddobaad gudahood ah.

NAIROBI, Kenya - Dooni ay la socdeen 77 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan caruur ayaa ku degtay xeebaha dalka Jabuuti, waxaana ku dhintay 16 qof, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka.

Warbixin ay soo saartay Talaadadii ayay hay'adda Qaramada Midoobay ku sheegtay: "Masiibo doon ku dagtay xeebaha Djibouti oo ay saarnaayeen 77 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan carruur. Ugu yaraan 28 ayaa la la'yahay. 16 ayaa dhintay."

Xafiiska hay’adda ee Jabuuti ayaa xusay in ay maamulka deegaanka ka taageerayaan dadaallada goobidda iyo samata bixinta.

Dhacdadan foosha xun ayaa noqonaysa musiibadii labaad ee noocaan ah ee badda muddo laba toddobaad gudahood ah.

Muhaajiriin badan ayaa galay safaradan khiyaanada ah ee badda si ay u helaan badbaado iyo nolol dhaanta tan, balse waxa ay la kulmaan musiibo wadada dhexdeeda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM