Dhalinyaro Kenyan ah oo Loo Kaxayn Rabay Dagaalka Ukraine oo La Badbaadiyey

Image

NAIROBI - Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay badbaadiyeen in ka badan 20 qof, kuwaas oo la rumeysan yahay in loo waday dalka Ruushka, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka socda Ukraine.

Howlgalkan ayaa ka dhacay xaafadda Athi River ee duleedka magaalada Nairobi, halkaas oo booliisku ka heleen dukumiintiyo safar, waraaqo shaqo, iyo qalab kale oo la xiriira qorista dadka.

Waxaa la sheegay in dadkan loo sheegay in loo qaadayay shaqooyin ku yaalla Moscow, balse ujeeddada dhabta ah ahayd in loo qoro ciidamada Ruushka oo dagaal kula jira Ukraine.

Booliiska ayaa sheegay inay xireen hal qof oo lagu tuhunsan yahay inuu ahaa qofkii abaabulayay arrintan, waxaana la filayaa in maxkamad lasoo taago 10-ka maalmood ee soo socda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka la khiyaameeyay laga qaaday lacago gaaraya ilaa $1,500, iyadoo loo sheegay in loo bixinayo mushahar sare iyo adeegyo kala duwan.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay wado baaritaan ku saabsan muwaadiniin Kenyan ah oo la sheegay in loo tahriibiyay Ruushka islamarkaana haatan lagu hayo maxaabiis ahaan gudaha Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM