"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay
Khartuum — Taliye ka tirsan ciidamada milatariga ee Rapid Support Forces (RSF) ee dalka Suudaan ayaa lagu eedeeyay inuu si arxan darro ah u dilay in ka badan 2,000 oo qof oo rayid ah magaalada Al Fasher ee waqooyiga Darfur, taasoo ka dhigaysa wejiga ugu cabsida badan ee xasuuqa ka socda gobolkaas.
Ciidamada RSF ayaa toddobaadkii hore gacanta ku dhigay magaalada Al Fasher, oo ah caasimadda gobolka Waqooyi Darfur, iyadoo warbixino badan oo kasoo baxaya ay sheegayaan in dad rayid ah lagu laayay gudaha magaalada oo go’doonsan.
Dagaalka ayaa qayb ka ah colaadda sokeeye ee ka socota Suudaan tan iyo Abriil 2023, oo u dhaxaysa ciidamada RSF oo uu hoggaamiyo Mohamed Hamdan Dagalo (Hemetti) iyo ciidamada qaranka ee Suudaan.
Warbaahinta iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay nin lagu magacaabo Abu Lulu oo dadka si toos ah u tooganaya mid mid, taasoo ku kasbatay naanaysta “Gawracaha Al Fasher.”
Yaa yahay Abu Lulu?
Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna yahay Al Fateh Abdullah Idris, ayaa ka mid ah saraakiisha ugu awoodda badan ee RSF, kana soo jeeda qabiilka Mahariya Rizeigat, isla qabiilka ay kasoo jeedaan qoyska Dagalo.
Waxa uu ku biiray RSF sanadkii 2013 kadib tababar ciidan oo uu qaatay, wuxuuna si degdeg ah ugu kacay darajooyinka ciidanka sababtoo ah xiriirkiisa dhow ee uu la lahaa qoyska Hemetti. Waxa uu dhowr jeer loo diray dalka Yemen isagoo ka mid ahaa cutubyada gaarka ah.
Markii uu dagaalka Suudaan ka qarxay, Abu Lulu wuxuu noqday mid ka mid ah ilaaladii gaarka ahayd ee Abdelrheem Dagalo, oo ah walaalka Hemetti isla markaana markaas ahaa ku-xigeenka RSF. Abdelrheem ayaa lagu soo rogay cunaqabatayn caalami ah bishii Sebtembar 2023 sababo la xiriira dambiyo dagaal iyo xadgudubyo xuquuqda aadanaha.
Abu Lulu ayaa horey loogu arkay muuqaallo uu ku tooganayo maxaabiis iyo dad rayid ah oo gacantiisa lagu dilayo.
Qirasho naxdin leh
Muuqaal toos ah oo uu baahiyay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ayuu Abu Lulu ku sheegay inuu si shaqsi ah u dilay kumannaan qof oo rayid ah.
Waxa uu yiri: “Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay 2,000, waan ku wareeray tirinta... Laakiin waan bilaabayaa mar kale, laga bilaabo eber.”
Hadalkiisa iyo muuqaalka lagu arkay isagoo qosol la wadaagaya xubno kale oo RSF ah ayaa kiciyay caro iyo cambaareyn caalami ah. Barnaamijka TikTok ayaa xidhay akoonkiisa sababo la xiriira jebinta xeerarka bulshada.
RSF: “Waan xirnay”
Hoggaamiyaha RSF, Hemetti, ayaa toddobaadkii hore qirtay in “xadgudubyo” ay ka dhaceen Al Fasher, isagoo sheegay in la dhisay guddi baaritaan.
Bayaan ay RSF soo saartay 30-kii Oktoobar ayaa lagu sheegay in “Abu Lulu iyo xubno kale oo lagu eedeeyay xadgudubyo xuquuqda aadanaha lagu xiray,” inkasta oo kooxda horay u diidday in ay xidhiidh la leedahay.
Xasuuqa Al Fasher ayaa noqday mid ka mid ah dhacdooyinka ugu naxdinta badan ee ka dhacay dagaalka Suudaan, iyadoo bulshada caalamka ay ku baaqayaan in la joojiyo rabshadaha iyo in cadaaladda la horkeeno dadka mas’uulka ka ah dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada.
GAROWE ONLINE