Dilalka Soomaalida South Africa oo kordhay [Akhri Sababta]

Image

CAPE TOWN - Falalka lagu khaarijinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxay noqdeen sida tusbax afka furtay, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan ka hadal, had iyo goor.

Dilkii ugu dambeeyay ee dalkan Koonfurta qaarada Afrika loogu geysto qof Soomaali ah wuxuu ahaa Cabdullaahi Maxmuud Maxamed, kaasoo ay naf-gooyeen koox burcad Koonfur Afrikaan ah.

Alle u raxmadee marxuumka waxaa falka lagu dilay uu ka dhacay Nawaaxiga xarun ganacsi oo uu ku lahaa duleedka Magalaada Cape Town, waxaana weerarka lagu beegsaday ku dhaawacmay Maxamed Ismaaciil.

Sida uu Garowe Online u xaqiijiyay mid kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, labadaan muwaadin waxaa lagu weeraray Bastoolado, iyadoo Maxamed uu dhaawaciisu yahay mid culus.

Maxamed Ismaaciil ayaa loola caray mid kamid ah xarumaha caafimaad ee Aaga lagu dhaawacay, waxaana xaaladiisa lasoo sheegayaa inay tahay mid aad uliidato, maadaama dhaawac daran loo geystay.

Laamaha amaanka ee dalka Koonfur Afrika wali wax war ah kama aysan soo saarin falkaan, sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa had iyo goor waxa aysan ka hadal dilalka wadankaas loogu geysto Soomaalida.

Sanadkii 2017, wadanka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay 137 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed, iyadoo sida ay u bilaabatay sanadkaan 2018, ay kor u dhaafeyso dhimashada Tobaneeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hichilema oo mar kale ku guuleystay doorashada Zambia, mucaaradkana oo natiijada dacwad ka gudbinaya

Mundubile ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in natiijada doorashadu aysan “si dhab ah uga tarjumayn wixii ka dhacay doorashadan”.

  • Afrika

    19-08-2026

  • 06:03AM

Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed 

Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa.

  • Afrika

    14-08-2026

  • 12:10PM