Diyaarad ku dhacday Deegaan u dhow Nairobi, Dadna ay ku dhinteen

Image

Nairobi, Kenya – Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad gurmad degdeg ah (air ambulance) ah ay kusoo dhacday deegaan la dego oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi, sida ay sheegtay shirkadda iska leh diyaaradda.

Diyaaraddan oo ahayd nooca Cessna Citation XLS, ayaa waxaa iska lahaa AMREF Flying Doctors, waxayna ka duushay garoon ku yaalla Nairobi iyadoo u socotay dhanka Somaliland, sida lagu sheegay war rasmi ah oo shirkaddu soo saartay.

AMREF Flying Doctors ma aysan caddeyn tirada dadka dhintay markii hore ama sababta keentay shilka, balse waxay sheegtay in ay si buuxda ula shaqeynayso hay’adaha duulista iyo kooxaha gurmadka si loo ogaado waxa sababay shilka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxaha gurmadka degdegga ah ee Kenya Red Cross ay si dhaqso leh uga jawaabeen, iyagoo gaaray goobta shilka oo ku taalla degmada Kiambu, taasoo xuduud la leh Nairobi.

Markii hore, Kenya Red Cross waxay sheegtay in diyaaradda dhacday ay ahayd helicopter, balse wararka dambe ayaa xaqiijiyay in ay ahayd diyaaradda Cessna Citation XLS.

Wargeyska maxalliga ah ee The Star ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo booliska ay si degdeg ah u gaareen goobta shilka isla markaana ay xireen aagga si looga hortago khataro kale.

Mas’uuliyiinta dowladda Kenya wali faahfaahin kama aysan bixin shilka, waxaana la sugayaa warar dheeraad ah oo rasmi ah.

Wixii kasoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM