Doon Siday Muhaajiriin Itoobiyaan ah oo Ku Degtay Xeebaha Yemen, In Ka Badan 140 Qof oo La La’yahay

Image

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay (IOM) ayaa sheegtay in doon ay saarnaayeen 154 muhaajiriin Itoobiyaan ah ay ku degtay xeebaha dalka Yemen aroortii Axaddii, taasoo keentay musiibo bini’aadanimo oo kale.

Abdusattor Esoev, madaxa IOM ee Yemen, ayaa sheegay in kaliya 12 qof la badbaadiyay, halka 142 kale loo maleynayo inay dhinteen. Ilaa iyo hadda waxaa la helay in ka badan 68 meyd, kuwaas oo intooda badan laga helay xeebta Khanfa ee galbeedka Yemen. Maamulka ammaanka gobolka Abyan ayaa sheegay in ay bilaabeen hawlgallo ballaaran oo badbaadin iyo raadis ah, maadaama ay khasaaruhu aad u tiro badan yihiin.

Sanad kasta, kumannaan muhaajiriin ah — intooda badan Itoobiyaan — ayaa uga tallaaba Badda Cas Yemen iyaga oo raadinaya shaqo iyo nolol ka wanaagsan dalalka Khaliijka. Balse waddada loo yaqaan "Eastern Route" ayaa ah mid halis badan, waxaana muhaajiriintu la kulmaan rabshado, tacaddi iyo xaalado dhimasho keeni kara, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Mixed Migration Centre.

Bishii Maarso, afar doon oo kale ayaa ku degtay biyaha u dhexeeya Jabuuti iyo Yemen, waxaana la la’yahay 186 qof. Hay’adda IOM waxay xaqiijisay in ilaa hadda 550 muhaajiriin ay ku dhinteen jidka Yemen sanadka 2024, taasoo ka dhigaysa sanadkii ugu dhimashada badnaa ee la diiwaan geliyo. Colaadda sokeeye ee ka socota Yemen ayaa sii xumeysay xaaladda, iyadoo firaaqa amni uu fursad siinayo kooxaha tahriibka iyo ganacsiga dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM