Dowladda Burkina Faso oo xayiraad adag kusoo rogtay BBC iyo VOA

Image
Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

NAIROBI, Kenya - Burkina Faso ayaa shaqada ka joojisay BBC-da iyo Voice of America, kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

"Waxaa BBC iyo VOA laga joojiyay baahinta wararka, waxaana la mamnuucay mareegaha labada hay’adood muddo labo toddobaad ah," sida ay saraakiishu sheegeen.

Warbixinta ay soo saartay Human Rights Watch (HRW) oo ah koox fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, ayaa ku eedeysay militariga Burkina Faso inay xasuuqeen ugu yaraan 223 qof oo rayid ah bishii February.

Milatarigu waxa ay awoodda dalka ku leeyihiin galbeedka Afrika tan iyo sannadkii 2022-kii inqilaabkii. Hase ahaatee, illaa waqti xaadirkan ma aysan ka hadlin eedeymaha HRW.

Agaasimaha isgaarsiinta ee ciidanka oo ay soo xigatay saxaafadda gudaha ayaa sheegay in uu dib ugu laaban doono BBC-da hadii iyo marka ay wax sheegaan.

Voice of America (VOA) waxay ku sheegtay "inay ku adkeysaneyso warbixinteeda ku saabsan Burkina Faso ayna ku talo jirto inay si buuxda oo cadaalad ah u tabiso hawlaha dalka".

Sikastaba, Warbixinta HRW ayaa waxa ay sheegtay in militariga Burkina Faso ay 179 qof ku dileen Soro halka 44 kalena ay ku dileen tuulada Nondin ee ku taal waqooyiga dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM