DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Image

Jimcihii, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa codsaday in lagu xukumo dil madaxweynihii hore Joseph Kabila, oo maxkamad lagu saarayo isaga oo maqane ku maqan, loona haysto khiyaano qaran, dambiyo dagaal iyo taageeridda jabhadda M23.

Kabila, oo xilka qabtay sannadkii 2001 isagoo 29 jir ah kaddib markii la dilay aabihiis, madaxweynihii hore Laurent Kabila, ayaa hayay xukunka ilaa 2019. Wuxuu labo sano ku dheereeyey xilka kadib markii uu dib u dhigay doorashooyinkii, taasoo dhalisay kacdoonno ballaaran oo gudaha ah.

Dowladda ayaa ku eedeysay inuu taageeray jabhadda M23 oo la rumeysan yahay inay taageerto Rwanda. Jabhaddan ayaa bilooyinkii la soo dhaafay qabsatay magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla bariga dalka. Kabila ayaa bishii Abriil kasoo laabtay dibadbax uu isagu iskaga qaaday, isagoo yimid magaalada Goma, taasoo hadda ku jirta gacanta M23, arrintaasoo sii kordhisay shakiga ku saabsan xiriirkiisa la tuhunsan yahay ee uu la leeyahay jabhadda.

Maxkamadda dhexdeeda, Gen. Lucien René Likulia oo metelaya xeer ilaalinta, ayaa sidoo kale codsaday in Kabila lagu xukumo 20 sano oo xabsi ah eedeymaha ah inuu indhaha ka qarsaday dambiyo dagaal, iyo 15 sano oo kale oo ah khiyaamo wadajir ah, inkasta oo faahfaahin dheeraad ah aan la bixin.

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa. Taageerayaashiisa ayaa kiiskan ku tilmaamay mid siyaasadeysan. Wasiirkii hore Ferdinand Kambere ayaa arrintan ku tilmaamay “ceeb qaran,” halka falanqeeye amni Henry-Pacifique Mayala uu sheegay in kiiska xeer ilaalinta uu u muuqdo “aargoosi siyaasadeed” halkii uu ka ahaan lahaa raadinta caddaalad dhab ah.

Taariikhda xukunka lama shaacin weli.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM