Duqii Johannesburg oo ku geeriyooday shil baabuur

Image
Matongo ayaa ku dhashay Soweto, sida laga soo xigtay website -ka magaalada Johannesburg.

JOHANNESBURG, SOUTH AFRICA — Duqa magaalada Johannesburg ayaa ku dhintay shil baabuur kadib markii uu ka soo laabtay olole doorasho oo uu ku wehliyey madaxweynaha Koonfur Afrika Sabtidii.

Sidda lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa, dhimashadda ayaa waxay kusoo beegmaysaa wax ka yar bil kadib markii si dimuqraadi ah loogu doortey qabashadda looguna dhaariyey xilkaas.

Jolidee Matongo, oo 46 jir ahaa, ayaa ka soo laabanaysay diiwaangelin codbixin oo ka socotay magaalada Soweto ka hor doorashooyinka deegaanka markii shilku dhacay.

Ninkii uu xilka ka bedelay Matongo ayaa wuxuu u geeriyoodey safmareenka faraha kulul ku haya waddankaas ee Covid-19 bishii Luulyo. Matongo ayaa la doortay 10-kii Ogosto.

Guddoomiyaha gobolka Gauteng ee David Makhura oo sidoo kale ku jiray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha Soweto, ayaa sheegay in warkaasi uu ku reebay "naxdin iyo burbur".

Xafiiska Matongo oo sheegay in tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskiisa ayaa sheegay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shilka la soo bandhigi doono "waqtiga ku habboon".

Matongo ayaa ku dhashay Soweto, sida laga soo xigtay website -ka magaalada Johannesburg, wuxuuna xubin ka noqday Ururka Dhallinyarada ANC kadib markii uu siyaasadda soo galay isaga oo ah 13-jir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM