Faransiiska oo Adkeynaya Shuruucda Fiisaha Diblomaasiyiinta Algeria

Image

Paris – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa warqad rasmi ah ugu diray Ra’iisul Wasaaraha cusub François Bayrou, isagoo ku amray in la qaado tallaabo adag oo lagaga hortagayo waxa uu ku tilmaamay "xushmad-darro joogto ah" oo ka imanaysa dalka Algeria.

Macron ayaa sidoo kale faray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska in si rasmi ah loogu wargeliyo Algeria in la joojiyay heshiiskii 2013 oo u ogolaanayay dadka wata baasaboorrada diblomaasiyadeed iyo kuwa rasmiga ah ee labada dal inay si xor ah isu dhex maraan iyagoon fiiso u baahnayn.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Paris iyo Algiers ayaa ahayd mid cirka isku shareertay muddo ka badan hal sano, taasoo keentay in diblomaasiyiin la eryo, safiirro la kala yeerto, iyo xayiraado lagu soo rogo fiisooyinka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Xiisadda ayaa si gaar ah u kacday bishii Luulyo ee sanadkii hore, kadib markii Faransiisku aqbalay in Marooko ay leedahay dhulka Western Sahara, halka Algeria ay taageersan tahay in dhulkaasi uu yeesho ismaamul madaxbannaan.

Macron ayaa sidoo kale warqaddiisa ku muujiyay walaac uu ka qabo xukunno lagu riday qoraha Faransiiska-Algerian-ka ah Boualem Sansal oo lagu helay “midnimo qaran dumis”, iyo wariyaha Christophe Gleizes oo lagu eedeeyay “taageero argagixiso”.

Dowladda Faransiiska ayaa si adag uga soo horjeesatay xarigga labadaas qof, waxayna codsatay in si degdeg ah xorriyadooda dib loogu soo celiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM