Ganacsade Tigree ah oo lagu afduubey Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya - Ganacsade u dhashay Itoobiya ayaa lagu afduubey Kenya xili falalka afduubka ay kusoo kordhayaan Caasimadda dalkaasi.

Ganacsadaha oo lagu magacaabo Samson Teklemichael ayaa lagala degay Gaari nooca Bentley oo qiimihiisa joogo $200,000 [Labo boqol oo kun oo dollar].

Afduubka waxa uu Maalintii Jimcihii ka dhacay wadada dhexdeeda kadib markii uu joojiyay nin xiran dareeska booliska taraafikada, iyadoo kadibna rag dhar caadi ah wata ayaa gala soo degay Gaariga, oo kadib saartay Gaari kale oo nooca Subaru.

Ganacsadahan ayaa ahaa Maalqabeen kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega, wuxuuna ka ganacsan jiray shidaalka, sida ay saaxiibadiisu sheegeen.

Xaaskiisa Milen Mezgebo ayaa warbaahinta u sheegtay in ninkeeda uu kasoo wacey Taleefonka, una sheegay in rag uusan aqoon ay afduubeen, markii ay ku celisay wicitaanka, taleefonka ayaa la demiyay.

“Wuxuu isoo wacay, isagoo ii sheegay in ay qafaasheen dad aanu garanayn. Intaa ka dib, waa la demiyay taleefoonka. Arrintaas waxaan u gudbinay booliiska iyo safaaradda balse ma jirto cid ilaa hadda na caawisay,” ayay tiri.

Waxay sheegtay inay afduubka ku wargelisay saldhiga boolis ee Kilimani iyo safaaradda Itoobiye ee Nairibi, balse illaa hadda aysan ka helin wax caawinaad ah. Gaarigiisa oo jidka dhexdiisa looga tagey, iyada ayaa markii dambe kasoo kaxaysay.

Hay'adda CID-da Kenya ayaa sheegtay inay baareyso Kiiska afduubka ah, iyadoo qoyska ganacsadaha ay welwel ka qabaan nin wiilkooda loo afduubey arrimo la xiriira dagaalka Itoobiya, oo loo beegsadey inuu Tigree yahay.

Afduubka Teklemichael ayaa sii kordhinaya liiska dadka lagu afduubtay Kenya ee lagu eedeeyay saraakiisha ammaanka, iyadoo aan la hubin in ganacsadaha Itoobiyaanka dib loo heli doono isagoo badqaba.

Prof C/wahaab Sheekh Cabdisamad ayaa dhawaan Nairobi gurigiisa laga soo afduubey, waxaana lasii daayay dhowr todobaad kadib, iyadoo uu ka horeeyay wiil kale oo Soomaali ah oo meydkiisa la helay kadib markii la dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM