Garoon uu madaxweyne ka dhoofi lahaa oo la weeraray

Image
Shaqaalaha madaarkan caalamiga ah ayaa laga soo xigtey inay maqlayeen jugta hoobiyeyaasha iyo rasaasta.

GITEGA, Burundi - Mucaaradka hubeysan ee Burundi ayaa ku dhawaaqay inay weerar habeenimo ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee caasimada ganacsiga waddankaas ee Bujumbura.

Kooxdan lagu magacaabo RED-Tabara ayaa shaaca ka dhigtey inay soo tuureen madaafiic isla markaana ay la dagaalameen milatariga in ka badan muddo ku suntan hal saacad.

Shaqaalaha garoonka ayaa laga soo xigtey inay maqlayeen jugta hoobiyeyaasha iyo rasaasta balse waxay intaas ku dareen in uusan wax hakad ku imaan guud ahaan shaqada duulimaadka.

Isaga oo u muuqanaya mid dafiraya weerarka, afhayeen u hadlay ciidamada Burundi ayaa u sheegay BBC-da qeybteeda dunida la hadasha in uusan ka warqabin weerar.

Dhacdadan ayaa lasoo wariyey saacado ka hor markii madaxweyne Evariste Ndayishimiye lagu waday inuu u duulo New York si uu uga qeybgalo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

RED-Tabara ayaa saldhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waana mid ka mid ah jabhadaha aadka u hubeysan ee la dagaalama gudaha waddanka Burundi.

Burundi oo rasmi ahaan loo yaqaano Jamhuuriyadda Burundi, waa dal aan bad lahayn oo ku yaal Dooxada Weyn ee Rift halkaas oo ay isku tagaan harooyinka Weyn ee Afrika iyo Bariga isla qaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM