General Francis Ogolla: Sooyaalka taliyaha geeriyoodey ee ciidanka Kenya

Image
Jananka ayaa ku geeriyoodey shil diyaaradeed oo ka dhacay Waqooyi Galbeed ee waddanka Kenya.

NAIROBI, Kenya - Madaxwaynaha waddanka Kenya, William Ruto, ayaa shaaca ka dhigay in taliyihii ciidamada dalkaas uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyi galbeed ee waddankaas.

General Francis Ogolla iyo sagaal qof oo kale ayaa ku dhintay shilkaasi ka dhacay waqooyi galbeed ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Ilaa hadda ma cadda sababta keentay burburka diyaaradda.

Diyaaradan oo ah nooca Milateri ayaa waxa ay booqasho kula joogtay ciidamo ka howlgala Waqooyi Galbeed Kenya si ay ula dagaalamaan dhaca lo’da, waxaana ay soo dhacday daqiiqado yar kadib markii ay ka kacday meel u dhow Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Cheptulel ee Gobolka Galbeedka Pokot.

Sooyaalka General Francis Ogolla

General Ogolla, waxa uu ku dhashay February 12, 1962 ee Ismaamulka Siaya, waxa uu ka qalin jabiyay taliska ciidamada Kenya ee loo yaqaano KDF isaga oo ah dable ah May 2, 1984.

Darajadda ku xigeenka labaad ayuu sanad kadib noqdey ka hor inta uusan ku biirin Taliska Ciidamadda Cirka ee Moi Air Base halkaas oo uu ku tababartay duuliyenimo.

Jeneraalka waxay hore u qabatay jagooyin sare oo ay ku jiraan Taliyaha Laikipia Air Base Tactical Flight Wing (2007), iyo sidoo kale Taliyaha Saldhigga Laikipa Air Base (2008-2014).

Abaalmarino heer madaxwayne ah

Waxa uu u dallacay Sarreeye Guuto 10-kii April 2012, ka dibna waxa loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka; July 13, 2018, waxaa loo dalacsiiyay Sarreeye Gaas, waxaana loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Cirka Kenya.

Ogolla ayaa markaas oo taariikhdu ku beegan tahay July 23, 2021 waxaa loo dalacsiiyay Sarreeye Guud isaga oo loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Difaaca.

Waxa uu hore u helay abaal-marinno madaxweynimo sida Moran of the Golden Heart (MGH), Odayga Waranka Gubaya (EBS), waxa uuna u qaatay Amaan Qaran taasoo ka dhigtay Janan aad looga qadariyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM