Golaha Ammaanka oo fadhi ka yeelanaya xaalada Suudaan

Image
Fadhiga ayaa noqon doona mid albaabadu u xiran yihiin iyadda oo kulanka ay codsadeen lix dal.

KHARTUUM, Suudaan - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku kulmi doona Arbacada soo socota fadhi aan rasmi ahayn si ay uga hadlaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Suudaan.

Is-araggan isha lagu hayo ayaa kusoo hagaagaya xilli ay socdaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunka militariga ee waddankan dhaca Afrika, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.

Fadhiga ayaa noqon doona mid albaabadu u xiran yihiin iyadda oo kulanka ay codsadeen lix ka mid ah 15-ka xubnood ee golaha oo kala ah: Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Norway, Ireland iyo Albania.

Beijing iyo Moscow ayaa horey u sheegay in xaaladda Suudaan oo qarka u saaraneyd fowdo tan iyo 25-kii October oo ay ciidamada milateriga la wareegeen ayna tahay arrin aan khatar ku ahayn ammaanka caalamiga ah.

Kulanka ayaa u ogolaanaya ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, Volker Perthes, in uu warbixin ka siiyo xubnaha golaha ammaanka shuruudaha halkaas tan iyo markii uu is casilay Ra'iisul Wasaare Abdallah Hamdok Axaddii xilli ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeeday ciidamada milateriga.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa uga digay militariga Suudaan inay soo magacaabaan ra'iisul wasaare ayaga si gaar ah u taabacsan kadib markii Hamdok uu is casilay.

Tan iyo afgambigii uu hogaaminayay General Abdel Fattah al-Burhaan 25-kii bishii October, waxaa la dilay 60 qof, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ururka Dhakhaatiirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM