Gole madax-banaan cusub oo looga dhawaaqay Suudaan

Image
General Abdel Fattah Al-Burhan ayaa wali baaqi ku ah madaxa golahaas sarre.

KHARTUUM, Suudaan – Taliyaha ciidamada dalka Sudan, General Abdel Fattah Al-Burhan oo hogaaminayay afgambiga bishii hore xilka looga tuuray dowlad kumeel gaar ah, ayaa soo saaray go’aan uu ku dhisayo gole cusub oo madax banaan.

Telefiishanka dawladda ayaa Khamiistii xusay in Al-Burhaan uu sii ahaan doono madaxa golaha, halka Maxamed Xamdaan Dagalo, oo ah hoggaamiyaha ciidammada degdegga ah ee loo yaqaan Hemeti uu sii hayn doono booskiisa ku-xigeenka.

Talaabadan ayaa yimid in ka badan laba toddobaad ka dib markii ay ciidamadu kala direen dowladda, iyadoo ay weheliyaan golaha wasiirada rayidka ah ee uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Abdalla Hamdok, taas oo ay si degdeg ah u cambaareeyeen beesha caalamka.

Golahan ayaa la dhisay sanadkii 2019-kii, isagoo qeyb ka ahaa heshiis awood qeybsi ah oo dhexmaray xubnaha ciidamada iyo dadka rayidka ah, iyadoo howshiisu ay tahay in Sudan ay u gudubto dimuqraadiyad ka dib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer xukumayay dalkaas, kaddib kacdoonkii shacabka.

Goluhu waxa uu ahaa madaxa guud ee dalka, isaga oo garab socda xukuumadda Hamdok oo maamusha arrimaha maalinlaha ah ee Suudaan. Al-Burhaan iyo Dagalo ayaa lagu waday in ay xilka ku wareejiyaan qof rayid ah bilaha soo socda.

Golaha cusub ayaa isugu jira taliyayaal ciidan, madax hore oo fallaago ah iyo xubno cusub oo rayid ah. Wakiil ka socda gobolka bariga Sudan ayaa ku biiri doona golaha hadhow kadib wadatashiyo badan oo siyaasadeed, sida uu sheegay telefishinka qaranka.

Shaacintan ayaa timid iyadoo ay socdaan dadaallo heer qaran iyo heer caalami ah oo lagu doonayo in lagu xalliyo qalalaasaha ka dhashay afgambigaas, kaasoo dhaliyay dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dimuqraadiyadda, taasoo keentay in Qaramada Midoobay, dalalka reer galbeedka iyo dalalka Khaliijka ay ku baaqaan in dib loo soo celiyo dowlad ay hoggaaminayaan shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM